Cabdiraxmaan-Cirro oo baaq u direy Sool iyo 'Beesha Caalamka'. Iyo Safiirka Mareykanka oo hambalyeeyay.

Thursday December 12, 2024 - 14:31:18
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha cusub ee loo doortey maamulka la baxay Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee uu jeediyo isaga oo madaxweyne ah baaq ugu direy kuwa loogu yeero Beesha Caalamka oo uu ka codsadey aqoonsi.
Waxa uu sidoo kale baaq nabadeed u direy shacabka ku dhaqan gobolka Sool.

"Waxaan ka codsanayaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka, haldoorka, culimada iyo Beesha Caalamkaba in ay kaalin fiican ka qaataan dedaallada aanu ugu jirno soo celinta ruuxdii walaalnimo iyo wadanoolaanshaha deegaannada Gobolka Sool” ayuu yiri Cirro.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisu dedaal ugu jirto sidii ay u soo celin lahayd deegannadaas.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa isna bogaadiyey doorashada maamulkaas waxa aanu sheegay in uu hambalyo uga sido Madaxweynahooda Biden.

"Doorashada Somaliland, tusaale kaliya uma aha gobalka ay ku taalo ee Geeska, ee waxay tusaale u tahay Caalamka oo idil doorashadii aad qabsateen. Waxaan ku faraxsanahay in aan saaxiib idinla nahay, waana idin la ahaan doonnaa, anagoo kali ah maahane dalal badan oo caalamka ah ayaa saaxiib idinla ah, waxaan idiin soo gudbinayaa Hambalyada aan kasido Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Shacabka Mareykanka iyo Diblumaasiyiinta Caalamka oo aan afkooda ku hadlay” ayuu yiri Safiirka Mareykanka oo ka hadley xafladdii Xilwareejinta ee magaalada Hargeysa.

Related Items

Update cookies preferences