Warshadda Daroogada ugu halista badan caalamka oo laga helay guriga Maahir Al-Asad iyo saraakiishii hore oo la ugaarsanayo.

Thursday December 12, 2024 - 08:50:44
Liibaan Jeexoow
Waddanka Suuriya ee dhaca mandiqadda Shaam waxaa ka socda baacsiga lagu hayo saraakiishii nidaamkii burburay ee Aala Asad kaasi oo dalkan maamulayay wax ka badan nus qarni kaamil ah.
Xoogaga kacdoonka ayaa billaabay in ay laayaan saraakiishii ugu sarraysay ciidamada Nuseyriga Suuriya gaar ahaan kuwii mujrimiinta ahaa ee caanka ku ahaa xasuuqa shacabka Sunniga ah.

Sida laga soo xigtay dad ku sugan waqooyiga iyo bartamaha Suuriya dhalinyaro caraysan oo ka mid ah xoogagga sunniga ah ayaa baaritaanno ka sameynayay magaalooyinka waxayna gacanta kusoo dhigayaan madaxyaweyntii mujrimiinta iyagoo tooganaya.

Muuqaallo dhowr ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhalinyaro caraysan oo madaxyada ka tooganaya Mujrimiintii hoggaaminaysay maleeshiyaadka Shabiixada.

Kacdoon-wadayaasha oo caraysan ayaa takbiirsanaya kadibna madaxyada ka guraya saraakiishan horay uga tirsanaa nidaamkii la riday ee Bishaar Al-Asad.

Dagaalyahannadan qiiraysan waxay qoraallo ay soo dhigeen baraha bulshada ku sheegeen in aysan wax maxkamad ah soo saarayn mujrimiintan maadaama ay iyagu isku xukumeen dambiyadii ay gacamahooda ku geysteen.

Dhinaca kale gobolka Laadiqiyah ee dhaca waqooyiga Suuriya waxaa lagasoo helay warshado waaweyn oo lagu farsameyn jiray daroogada duniga ugu khatarta badan ee loo yaqaan Captagon.

Guriga Maahir Al-Asad ayaa lagu arkay kumanaan tan oo daroogadan ah iyo warshado macmal ah oo sameyn jiray daroogada Captagon.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dagaalyahannada hubaysan oo guriga Maahir Al-Asad kasoo saaraya daroogo aan xisaab laheyn.

Maandooriyaha Captagon ayuu nidaamkii Bishaar Al-Asad lacago ballaayiin ah dollar ah ka heli jiray sanad walba wuxuuna qaab suuq madoow ah ugu dhoofin jiray dalalka Khaliijka Carabta iyo dalal dhaca qaaradda Yurub.

Related Items

Update cookies preferences