DF oo cambaaraysay, fal aad u fool-xunna ku tilmaantay jabkii kasoo gaaray Raaskambooni.

Thursday December 12, 2024 - 13:17:57
Liibaan Jeexoow
Shir maanta ka dhacay magaallada Muqdisho oo ay yeesheen golaha wasiirrada DF-ka Soomaaliya ayaa looga hadlay jabkii ciidankooda kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay deggaanka Raaskaambooni ee gobolka Jubbada hoose.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta DF-ka Soomaaliya Cabdirxamaan Yuusuf ayaa sheegay in kulankaasi lagu cambaareeyey dagaalkii shalay dhex-maray ciidankooda iyo kuwa Jubbaland oo uu ku tilmaamay fal aad u fool xun.

Wasiirku isagoo warbixintiisa sii wata ayuu sheegay in Axmed-madoobe uu weerar mas’uuliyad darro ah oo aan la filayn kusoo qaaday maleeshiyaadkii Xasan Gurguute uu ku daad-gureeyey Raaskambooni.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ka dhawaajiyey in maleeshiyadoodu aanay haysan amar ay kula dagaallamaan kuwa Jubbaland isla markaana lagu amray inay ka baxaan goobta dagaalka.

C/Raxmaan Yuusuf waxa kale oo uu xusay in golaha wasiirradu ay heleen xog sheegaysa in weerarkaasi ay xoogagga Al-Shabaab ka gacan-siiyeen Axmed-madoobe.

"Al-Shabaab waxay u suuro-gelisay in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimi magaallada Kismaayo uu goobtaas gaaro” ayuu yiri C/Raxmaan Yuusuf.

Isagoo wasiirku hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri "Goobtaasi sida la ogyahay 270 KM wax ka badan ayay u jirtaa magaallada Kismaayo, dhul badan oo khawaarijtu joogto ayaa ay soo dhex-mareen ciidamadii goobtaas weeraray”.

Isagoo hadalkiisaasi sii tixraacaya wasiirku ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay sii xoojinayso tuhun hore oo ahaa in Al-Shabaab iyo Axmed-madoobe ay ka dhexeeyaan xiriiro gaar ah.

Golaha Wasiirrada ayuu sheegay inay isla garteen in la magacaabo guddi heer qaran ah oo baaris ku soo samaysa nooca xiriir ee ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Axmed-madoobe iyo weliba siday ku suurto-gashay.

Warka uu wasiirku ka dhawaajiyey ayaa imanaya kadib markii si xun loogu jabiyey maleeshiyada Xasan Gurguurte dagaalkii shalay ka dhacay deggaanka Raaskaambooni.

Wasiir ku xigaanka ammaanka Jubbaland oo dagaalkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen ciidamadii dowladda kana dhigeen wax baxsaday, wax isdhiibay iyo wax dhintay.

Kenya ayaa soo bandhigtay sawirrada maleeshiyaadka Gurguurte oo soohdin-beenaadka kasii tallaabaya, iyagoo gacmaha taagtay, hubkana daadinaya, iskuna dhiibaya booliska Kenya.

Related Items

Update cookies preferences