Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland oo ka tagey xisbigii laga soo doortey taageerayna Cabdiraxmaan Cirro.

Monday November 11, 2024 - 07:09:09
Liibaan Jeexoow
Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo goor dhaweyd saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu taageerayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland ka tartama.
Saylici oo laga soo doortey Xisbiga Kulmiye waxa uu shacabka deegaannadaas ugu baaqey in ay codkooda siiyaan Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi-Cirro. 

Saylici dhanka kale waxa uu Muuse Biixi ku eedeeyay in uu ka baxay ama jabiyey dhaartii umadda loogu dhaariyey in uu dhex u noqdo oo ilaaliyo. "Waxaan Ilaahay hortii la tagayaa dhaartii nala dhaariyey 2017-kii ee dal, diin iyo dad iyo dastuurba uu intiiba ka baxay Muuse”

Dhanka kale waxa uu xusey in aan lagu hallayn karin Muuse Biixi talada Somaliland. 

Waa markii ugu horreysay taariikhda maamulkaas ee madaxweyne ku xigeen aanu muddo xileedkiisii dhammaan uu ka soo horjeesto madaxweynihii lala soo doortey taas oo ugub ku ah siyaasadda maamulkaas.

Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sidoo kale sheegaya in Ugaaskii Guud ee beesha deggan Gobolka Awdal uu saxaafadda la wadaagey in la taageero Cabdiraxmaan Cirro.  

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble  oo ay Saylici isku deegaan yihiin ayuu hore Muuse Biixi uga celiyey in uu tago gobolka uu ka soo jeedo. 

Doorashada Somaliland ayaa u muuqata mid dadka aqlabkiisu taageerayaan Cabdiraxmaan Cirro oo laga guuleystay 2017-kii.

Related Items

Update cookies preferences