Doon dalxiis oo ay saarnaayeen dal-xiiseyaal caalamiya ayaa isniintii shalay ku degtay xeebaha Badda Cas ee dalka Masar.
Dawladda Masar ayaa sheegtay in la la’yahay 16 qof. Lana soo badbaadiyey 28 kale. Iyadoo tirada guud ee dalxiisayaasha iyo shaqaallaha doontu ahaayeen 44 qof.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in mar dambe gudaha doonta laga soo saaray ugu yaraan maydadka 4 qof oo ka mid ahaa dalxiiseyaasha.
Dadka la la’yahay ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan dalxiiseyaal u badan reer-galbeed iyo 4 ka mida shaqaallaha doonta oo u dhashay dalka Masar.
Doontan oo magaceeda lagu sheegay Sea Story ayaa ku degtay magaalo-xeebeedka Marsa Alam ee dalka Masar, kadib markii mawjad weyni ay si lama filaan ah ugu dhufatay.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in 2 ka mid ah dadka la la’ayahay ay u dhasheen Ingriiska. Halka Finland xaqiijisay in ay la’dahay 1 qof oo dalkeeda u dhashay.
Sidoo kale mas’uuliyiinta masaarida ee dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in afar qof oo Masaari ah ay ka mid yihiin dadka la la’yahay.
Guud ahaan dadkii saarnaa Doontan ayaa kasoo kala jeeda dalalka Mareykanka, Belgium, Britain, China, Finland, Germany, Ireland, Poland, Slovakia, Spain, Switzerland iyo Masar.
Hey’adda saadaasha hawada ee dalka Masar ayaa sheegtay in ay subaxnimadii Axadda ay soo saartay digniin ku aaddan mowjado waaweyn oo la filan karo inay ka dhacaan Badda cas.