Muxuu daaran yahay socdaalka wefti Maraykan ah oo maanta gaaray magaallada Hargeysa?

Tuesday December 03, 2024 - 15:33:39
Liibaan Jeexoow
Wefti culus oo ka socda dawladda maraykanka ayaa maanta gaaray magaallo-madaxda maamulka la baxay Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynaha xilka kasii degaya Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah xukuumaddiisa ayaa weftigan ku qaabilay qasriga madaxtooyada.

Xubnaha waftigan waxaa ka mid ah safiirka Maraykanka u fadhiya Somaliya Amb. Richard H. Riley, Taliya ciidammada Maraykanka ee AFRICOM, Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dawladda Maraykanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen iskaashiga amniga Geeska Afrika.

Weftigan ayaa la sheegay in M/weyne Biixi ay ku bogaadiyeen horumarrimanta dimuquraadiyadda iyo hir-gelinta doorashooyin isku sidkan iyo waliba aqbalaadda natiijada.

Sida lagu sheegay bayaanka, weftiga ayaa ka dhawaajiyey in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, isla markaana ay gaartay bisayl siyaasadeed.

M/weyne Biixi ayaa dhankiisa weftigan uga mahad-celiyey booqashadooda, isagoo ku tilmaamay tallaabo sii xoojinaysa xiriirka mustaqbal ee labada dhinac.

Weftiga ayaa lagu warramayaa in sidoo kale ay la kulmi doonaan madaxweynaha cusub ee dhawaan xilka la wareegi doona C/Raxman-Cirro iyo mas’uuliyiin kale.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ujeedka socdaalka weftigani daaran yahay hir-gelinta saldhig millateri oo maraykanku rabo inuu ka samaysto Berbera iyo heshiiskii xaaraanta ahaa ee MOU-ga ee Biixi iyo Abiy kala saxiixdeen.

Maraykanka oo muddooyinkan dambe si gaar ah isha ugu hayay Somaliland, ayaa la saadaalinayaa in xiriir sidii hore ka dhaw uu maamulka cusub ee Donald Trump la yeesho Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences