Shir lagu gorfaynayay xaaladda kala-guur ee dhanka amniga ee Soomaaliya ay wajahayso dhammaadka sanadkan iyo bilawga sanadka cusub ayaa ka qabsoomay magaallada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Shirkan oo la sheegay in uu socday muddo dhawr cisho ah, ayaa waxaa ka qayb-galay taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska UN-ka ee UNSOS.
Todobo qodob ayaa shirkaasi laga soo saaray, kuwaasoo nuxurkoodu ku dul-wareegayo bogaadinta hawl-galkii ATMIS iyo soo dhawaynta hawl-galka cusub ee AUSSOM oo ay ka qayb-qaadanayaan ciidamadii horey usii joogay oo aanay ku jirin kuwa Itoobiya.
War-murtiyeedka shirkan ayaan lagu sheegin ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doona hawl-galka cusub, iyadoo la ogyahay xusul-duubka Xasan Gurguurte iyo C/Fataax As-siisi ugu jiraan murtazaqo Masaari ah oo dalka la keeno.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in qodobada shirkaasi kasoo baxay aan marnaba lagu soo hadal-qaadin halka ay caqabaddu ka taagan tahay iyo ciddii damaanad qaadi lahayd dhaqaallaha ku baxaya hawl-galka cusub ee AUSSOM.
Qodobka todobaad oo la oran karo waa midka ugu dhaw ee wax ka taabanaya caqabadda haysata hawl-galka cusub, ayaa isna nuxurkiisu ku urursan yahay oo kaliya boorrin dhaqaale iyo mid qalab.
Isku soo wada duuboo qodobadani waxay u muuqdaan kuwo maaweelis ah, maadaama aanu jirin qodob kaliya oo xal u noqon kara caqabadda dhaqaalle ee aan la iska indho-tiri karin ee dul-hoganaysa hawl-galka cusub ee AUSSOM.
Waxaa la ogyahay in ururka midowga Yurub oo ku dhowaad 20 sano keli ku ahaa maal-gelinta ciidamada afrikaanta ay haatan gacanta ka taagteen kadib markii qorshayaashoodii kusoo idlaadeen fashil, faa'iido la'aan iyo fuuq-bax dhaqaalle.
Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee ururka Midowga Yurub ayaa dhawaan shaaciyey in midowga Yurub iyo xulufadiisu aysan heyn dhaqaalihii lagu sii wadi lahaa duullaanka afrikaanta ee dalka Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa jirta cabsi weyn oo haatan soo food-saartay dowladaha reer Yurub iyo kuwa Afrika oo ah in madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump uu jari doono dhaqaallihii faraha badnaa ee Mareykanku ku bixin jiray dalalka dibadda.