Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa ka laabtey xukunkii degdegga ahaa ee habeennimadii Arbada uu ku rogey dalkaas ka dib markii caro weyn uu kala kulmay mucaaradka iyo shacabka dalkaas.
Xildhibaannada Xisbigiisa ayaa saaka iska xaadiriyey Hoolka Baarlamaanka K. Koonfureed kuwaas oo ka hortagey xilka-xayuubin la keenay golaha.
Baarlamaanka K. Kuuriya oo ka kooban ilaa 300 oo xildhibaan ayaa la rabey in laba meelood oo kamid ah(200) haddii la helo ay xilka ka qaadi karaan madaxweynaha dalkaas oo lagu magacaabo Yoon.
Xubnaha mucaaridka ah waxa ay golaha ku yimaaddeen 192 xildhibaan halkaas oo ay ka dhinnayd ugu yaraan 8 xildhibaan.
Geesta kale waxa wararku sheegayaan in dad badan oo shacab ahi soo buuxdhaafiyeen Hoolka Baarlamaanka kuwaas oo doonayey in xilka laga qaado madaxweynaha ka dib go’aankii fajicisada ku noqday dadweynaha K. Kuuriya.
Ugu dambayn Yoon waxa uu raalligelin ka bixiyey falkii uu ku kacay waxaanu sheegay in uu mas’uuliyadda qaraarkaas qaadan doono.