Wasaaradda difaacadda dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guwantanamo Bay kasii daysay mid kamida maxaabiista muslimiinta oo halkaas lagu tacdiibinayay 17 sanadood xiriir ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay pentagon-ka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in xabsiga lagasii daayay Max'med Cabdul Malik Baajaabu kaasi oo kasoo jeeda muslimiinta dalka Kenya.
Maxbuuskan oo sanaddii 2007-dii ay CIA-du xirtay ayaa ku eedaysnaa in uu katirsanyahay Ururka Alqaacidda Faraciisa Bariga Afrika sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Wargeyska Washington Post ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in maxbuus Max'med Cabdulmalik lagu waayay dhammaan eedaymihii loo heystay kadibna lasii daayay iyadoon aan wax maxkamad ah lasoo taagin.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sii daysmada Baajuubu kadib ay maxaabiista weli ku jilba xiran xabsiga Guwantamo ka dhigayso 29 maxbuus, xukuumadda Mareykanka ayaa ku doodaysa in 15 kamid ah maxaabiista ku hartay Guwantamo ay dhowaan sii dayn doonto.
Xabsiga Guwantanaamo oo kuyaal gacanka Kuuba ayuu Mareykanku dhisay sanaddii 2001-dii kolkaas oo Buush uu xamlada saliibiga ku iclaamiyay muslimiinta islamarkaana ay ciidankiisu duullaan saliibi ah ku qaadeen dunida muslimka ah gaar ahaan Afghanistan iyo Ciraaq.
Hay'adaha udooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Guwantanaamo ay ka dhaceen gabood fallo aad udaran oo ka dhan ah maxaabiista islamarkaana uu banaanka soo dhigay bahalnimada ciidanka Mareykanka.