Mareykanka oo diiday in DF-ka iyo midowga Afrika lagu wareejiyo galka ammaanka Soomaaliya iyo fadhigii UN-ka oo fashilmay.

Thursday December 19, 2024 - 19:22:46
Liibaan Jeexoow
Dowladaha shisheeye ee maalgelinaya duullaanka garadarra ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa isku maandhaafsadan sida laga yeelayo soo duulayaasha Afrikaanta ah ee waqtigu kasii idlaanayo.
Warqad qoraal ah oo danjiraha Mareykanka ee Q.Midoobay uu udiray Antony Blinken wasiirka arrimaha dibadda ayuu ku sheegay in xukuumadda Washington aysan aqbali doonin in dowladda Federaalka iyo midowga Afrika lagu wareejiyo maamulidda galka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan.

Farriinta ay qortay haweenayda lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayay Blinken uga codsatay in uu diido in galka arrimaha Soomaaliya laga wareejiyo Mareykanka iyo xulufadiisa.

"waa muhiim in Mareykanku uu diido cod kasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) oo u hoggaansamaya waajibaadka mustaqbal ah oo nabad-ilaalin ah oo loo qorsheeyey Soomaaliya, kaas oo ku hoos jiro habka shaqo ee UNSCR 2719 (2023). Waxaan si cad u sheegay bilowgii wada-xaajoodyada ku saabsan UNSCR 2719 in Soomaaliya aysan noqon karin tusaalaha loo isticmaalo hab cusub oo maalgelin ah oo Afrika loogu talagalay"ayaa lagu yiri warqadda uu ergayga USA ee Q.Midoobay qoray.

Xukuumadda Washington ayaa muujisay sida ay ugasoo horjeedo in dowladaha Afrikaanta ay iyagu maamulaan maalgelinta dhanka maaliyadda ee ciidamada soo duulayaasha ATMIS ee ku sugan Soomaaliya.

Shir ay xalay golaha ammaanka ka yeesheen galka ammaanka ee Soomaaliya ayaan wax natiijo ah oo rasmi ah lagasoo saarin arrinkaas oo banaanka soo dhigaysa sida uu mugdiga ugu jiro mustaqbalka ciidamada Afrikaanta ee ku sugan Soomaaliya.

"Mareykanka waa inuu ku adkaystaa in xubnaha kale ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay gaar ahaan Boqortooyada Ingiriiska aysan oggolaan in Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka iyo maalgelinta hoos yimaada UNSCR 2719, maadaama aanay ku habboonayn hawshan gaar ah" ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay Ergada Mareykanka ee New York.

Khillaafka ka taagan sida lagu wajahayo arrimaha Soomaaliya wixii ka dambeeya 31 December 2024 ayaa meel xasaasi ah gaaray, magaalada Addis Ababa waxaa ku kulansan guddiga amniga iyo nabad gelyada ururka Midowga Afrika waxayna ka doodayaan cidda maalgelinaysa howlgalka cusub ee AUSSOM.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in illaa iyo hadda aan laheyn cidda dhabarka uridanaysa maalgelinta ciidamada Afrikaanta Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaana diiddan in kaligood lagu fiirsado arrintan.

Related Items

Update cookies preferences