Maamulka Somaliland oo ka qaybgaley munaasibaddii dhaqan ee Xeer Ciise oo lagu qabtey Magaalada Diridhaba ayaa laga hir istaagay in ay hadal jeedin ka sameeyaan.
Wasiirka Ciyaaraha maamulka Somaliland oo waftiga hoggaaminayey ayaa xaqiijiyey in hadalka loo diiday maaddaama oo Dowladda Soomaaliya codsatey in aan hadalka waxba laga siin Somaliland.
"Waad ogtihiinoo aqoonsi ma haysanno, Itoobiya iyo Soomaaliyana waxay ku soo heshiiyeen Ankara. Soomaaliya haddii ay shirkii timi waxay yiraahdeen annaga mooyee cidkale hadal ha siinnina Itoobiyana waxay fulisay arrintii Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Ciyaaraha SL.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dedaallo dheeraad ah ku bixinaysay arrinta Somaliland iyo sidii loo horjoogsan lahaa goonnigoosiga maamulkaas.
Geesta kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo shaley u warramay Wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa xusay in ay jiraan xubno u dhow Madaxweynaha Mareykanka Trump in ay dabada ka riixayaan aqoonsiga Somaliland, taas oo uu sheegay in aanay dhici doonin.
Maamulka Somaliland ayuu Xasan sheegay in ka dib dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacey 1991 ay ka maqan yihiin Soomaaliya inteeda kale oo ay ku dhawaaqeen in ay ka baxeen midnimadii. Qaddiyadda goonni goosiga Somaliland ayaa aad u shaacbaxdey 1 Jan, 2024 xilligaas oo Muuse Biixi ku kacay go’aan mandaqadda xasilloonidarro ka abuurey kaas oo qayb kamida xeebaha Waqooyi uu ugu saxiixay Itoobiya.
MOU-ga Itoobiya iyo Somaliland ayaa burburay ka dib markii Xasan Sheekh iyo Abiy ku kulmeen dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara halkaas oo Abiy loogu oggolaadey in uu marin badeed ka helo Soomaaliya.