Saxaafadda Reer-galbeedka oo wareysiyo la yeelatey Cirro iyadoo laga cabsi qabo in la aqoonsado Somaliland.

Saturday February 15, 2025 - 14:32:29
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta ugu afka dheer waddamada Reergalbeedka ayaa wareysiyo kala duwan la yeelatay madaxweynaha maamulka goonni-goosiga Somaliland ee Cabdiraxmaan-Cirro.
Telefishanka lagu magacaabo CNN oo laga leeyahay dalka Mareykanka iyo Warbaahinta Sky News oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa wareysiyo kala duwan la yeeshay Cirro kuwaas oo wax ka weydiiyay su’aalo la xiriira dhanka ganacsiga iyo dekedaha, siyaasadda Geeska Afrika iyo tan Bariga Dhexe.

Sky News oo ah ilaa hadda ah midda qaadday wareysiga la tebiyay ayaa wax ka waydiisay Cirro arrinta Qaza taas oo si aan la saadaalin karin uu uga jawaabay.

Tan iyo intii uu bilaabmay Shirkii Dowladaha ee Dubai waxa aad u faafey warka la xiriira Dekedda Berbera iyo magaca maamulka la baxey SL oo tan iyo 1991 ku hawlanaa in uu helo aqoonsi caalami ah.

Immaaraatka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee SL siiyay masrax-siyaasadeed oo xajmigaa leh, taas oo dhaliil weyn ku noqotay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka ee Immaaraatka oo marka la soo gaabiyo magaceeda la yiraa WAM ayaa si bareer ah u baahisay markii ugu horreysay taariikhda magaca "Jamhuuriyadda Somaliland”. Tan ayaa bixinaysa macne ballaaran oo ah in si dadban loo aqoonsanayo maamulka Somaliland.

Intii uu talada qabsadey Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay in uu Immaaraatka lasoo saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin mid ku saabsan dhanka macdanta. Si kastaba ha ahaatee ilaa immika Wasaaradda Dibedda ee Federaalku kama ay hadlin waxa ka socda dalka UAE.

Related Items

Update cookies preferences