Ururka Tigreyga ee TPLF ayaa ku gacan-saydhay go'aan ay guddida doorashada Itoobiya ee NEBE ay ku hakiyeen dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ururkooda muddo saddex bilood ah. Iyagoo sharci-darro ku tilmaamay go'aankaasi.
War-murtiyeedka TPLF ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax micno sharciya oo go’aankani uu leeyahay, isla markaana saamayn doonin meeqaamka ururka. Iyagoo ku nuuxnuuxsaday in weligood aanay codsan in loo diiwaan-geliyo sidii xisbi cusub, balse ay raadiyaan aqoonsiga sharciga ah ee heshiiska Pretoria.
NEBE ayaa 13-kii bishii February ku dhawaaqday in ay muddo saddex bilood ah ka joojisay dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee ururka TPLF, waxayna taasi ku sababaysay in xisbigu ku guul daraystay qabashada shirwaynihii loo baahnaa.
Geesta kale TPLF waxay sheegtay inay socdaan wada-hadallo ay kula jiraan dowladda federaalka, isagoo sheegay in la sameeyay koox isku dhaf ah oo wax ka qabta sharci ahaan khilaafkan ka dhex curtay labada dhinac.
Sidoo kale, xisbigu wuxuu tilmaamay inay socdaan wada-hadallo ay kula jiraan dowladda federaalka, isagoo sheegay in la sameeyay koox isku dhaf ah oo wax ka qabta sharci ahaan. "Inta ay la egtahay in guddida doorashooyinku ay soo farageliyaan arrintan iyada oo wada-hadallo wax-ku-ool ah ay xukuumadda kula jiraan maaha sharci ama faa'iido," ayay tidhi.
Kooxda TPLF oo awoodda saaraysa hir-gelinta heshiiskii Pretoria ayaa ka digtay in cid kasta oo soo fara-gelisa arimaha habraaca isla markaana marin-habaabisa nidaamka jira ay masuuliyadeeda qaadi doonto oo aanu qaadi doonin xisbigoodu.
Waxa ay sidoo kale ku baaqday in si degdeg ah loo fuliyo heshiiskii Pretoria, iyada oo ku boorisay in dadaallada diiradda lagu saaro wax ka qabashada welwelka dadka iyo hubinta in la qaado tillaabooyin lagu dhisayo dawlad la soo doortay ee ka hana-qaadda gobolka Tigray sida ugu dhakhsaha badan.