Waxa isa soo taraya wararka sheegaya in Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Somaliland ee Cabdiraxmaan-Cirro uu markale safar ugu baxayo dalka Immaaraatka Carabta maalinta berri ah.
Warbaahinta maxalliga ah ee Gobollada Waqooyi ayaa ku soo warramaysa in halkaa uu kaga qayb gakayo shir UAE u qabanayso qaar ka mida Dowladaha Adduunka.
Kulankan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan loo qorsheeyay in uu socdo muddo dhan saddex maalmood oo xiriir ah.
Waa markii labaad ee Cirro tago Immaaraatka isaga oo markii ugu horreysay intii uu talada maamulkaas la wareegay safarkiisii koowaad ee dibedda ah ku tagey Abu Dhabi.
Kulamadii hore ayay sheegeen in ay la qaateen Ra’iisal Wasaare Xigeenka dalkaas oo ay isku soo afgarteen in Immaaraatku maalgashado Somaliland.
Ilo-wareedyo kale ayaa tibaaxayey in Cirro uu safarkiisa labaad ku tegi doono Boqortooyada Sucuudiga. Waxa wararku intaa ku darayeen in dhaxalsugaha Sucuudigu u yeeray Cirro.
Si kastaba ha ahaatee Cirro ayaa raadinaya dhaqaale maaliyadeed maaddaama sida ay sheegeen uu dhaqaalaha SL hoos u dhacay sannadihii u dambeeyay.