Guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha debadda ee Senate-ka Mareykanka, ninka lagu magacaabo Jim Risch ayaa si wayn uga hor-yimid qaraarkii lagu qeybiyay maalgelinta AUSSOM oo ah isbahaysi cusub oo lagu beddalay ATMIS, xilli sidan oo kale uu qaraarkaasi u diiday ururka midowga Yurub.
Risch ayaa ku dooday in qaraarka golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu keeni doono in Mareykanka lagu xiro waajibaad maalgelin oo joogto ah, taas oo uu sheegay in ugu dambeyn ay culays ku noqon doonta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.
Wuxuu sheegay in Maraykanka uu ku tacab-beellay maal-gelinta howlgalka ay Afrikaantu kaga jiraan Soomaaliya, lacago balaayiin dollar ahna uu ku bixiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidaas darteed-na aysan wax natiijo ah kasoo bixin.
"Mareykanku wuxuu bixiyay lacag aad u badan, balse horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya waa mid yar,” ayuu yiri Risch oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha debadda ee aqalka Senate-ka Maraykanka.
Warka kasoo baxay masuulkan ka tirsan maamulka Trump ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan ururka midowga Yurub oo ah kan ugu wayn ee dhaqaalaha ku bixin jiray murtazaqada Afrikaanta ee duullaanka ku jooga Soomaaliya, uu ku dhawaaqay in uusan awoodin bixinta dhaqaalaha ku baxaya isbahaysiga AUSSOM, isagoo soo jeediyay in aan kaligiis lagu eegan maalgelinta ee culayska lala qaybsado, waliba isaga oo si cad u sheegay in loo baahan yahay in si caddaalad ah loo qaybsado dhaqaalaha.
Dowladda Maraykanka ayaa horay u diidday inay ka mid noqoto dowladaha maal-gelinaya isbahaysiga Afrikaanta ah, sidoo kale waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa ka caga-jiidayso bixinta dhaqaalaha dhankeeda kusoo aaday, arrimahaas oo la isku geeyay ayaa mugdi gelinaya mustaqabalka howlgalkan aan cagaha badan ku taagnayn ee loo bixiyay AUSSOM.