Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa markale ku dhawaaqay in ay tallaab adag ka qaadi doonaan dhammaan shirkadaha ganacsiga ee deegaannada uu maamulo ka shaqeeya kuwaas oo u hoggaansama awaamirta dowladda Federaalka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay hay'adda duulista hawada 'Somaliland' ayaa lagu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay ku shaqeeyaan awaamirta dowladda Xasan Sheekh ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Maamulka Hargeysa ayaa shirkadaha duulimaadyada Ethiopian Airline iyo Fly Dubai uqabtay in muddo 21 maalmood ah ay ku saxaan isbedelkii ay ku sameeyeen hanaanka duulimaad ee Soomaaliya haddii kale ay tallaab adag ka qaadi doonaan.
Isbuucii lasoo dhaafay labadan shirkadood ayaa u hoggaansamay amar kasoo baxay DF-ka kaasi oo ahaa in magaca Somaliland ay ka saaraan liiska duulimaadyadooda.