Saacado kadib markii uu dagaal ooge Axmed Madoobe magaalada Kismaayo uga dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland ayaa durbadiiba jawaab celinno kala duwan laga bixiyay.
Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo mid ka mida maamul goboleedyada ayaa si diirran usoo dhoweeyay wixii ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay ku sifeeyeen tallaab horay loo qaaday oo dabraysa damacyada Xasan Gurguurte.
Shariif Sheekh Axmed oo horay usoo noqday madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ahaa siyaasigii ugu horreeya ee soo dhoweeyay dib udoorashada Axmed Madoobe.
Shariif ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid fashilinaysa damaca Xasan Sheekh ee muddo kororsiga ah,Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii xukuumaddii Farmaajo ayaa isna si diirran usoo dhoweeyay doorashada Axmed Madoobe wuxuuna Xamza Cabdi Barre iyo Gurguurte uga digay in ay dagaal ka huriyaan Jubbada hoose.
C/raxmaan Cabdishakuur oo ah xildhibaan si weyn umucaaradsan Villa Somalia ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in wixii maanta Kismaayo ka dhacay ay dhabarjab weyn ku yihiin Xasan Sheekh Maxamuud Culusoow.
Doorashada Axmed Madoobe waxay si rasmi ah usoo afjartay muddo kororsiga "Villa Soomaaliya, waa in maamullada kale ay aadaan doorasho ayna raadsadaan sharciyad"ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.
Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa isna soo dhoweeyay dib usoo laabashada Axmed Madoobe, warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Saciid Deni ayaa lagu bogaadiyay doorashada Axmed Madoobe.
Kooxaha mucaaradka ah ayaa dhammaantood ka wada sinnaa sida ay ugasoo horjeedaan ajandaha Xasan Sheekh ee ah doorasho qof iyo cod ah waxayna lasafteen nidaamka ka jira magaalada Kismaayo.