Dowladda Turkiga oo si cd usheegtay in Itoobiya ay xaq uleedahay helidda marin badeed [Warbixin].

Tuesday September 24, 2024 - 14:27:48
Liibaan Jeexoow
Turkiya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay Itoobiya awood ugu yeelan laheyd badda Soomaaliya.
Turkiya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay Itoobiya awood ugu yeelan laheyd badda Soomaaliya.
Fashilka ku yimid wejigii 3aad ee wadahadalladii ka socday dalka Turkiga ee lagu doonayay in qeyb kamid ah badda Soomaaliya lagusiiyo dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si weyn loo hadal hayaa.

Markii ugu horraysay ayaa lahelay qodobada xasaasiga ah ee dowladda Turkigu ay ku doonayso in lagu dhammeeyo xiisaha ka dhashay is afgaradkii ay Abiy Axmed iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen.

Turkiga ayaa Xasan Gurguurte ku cadaadinaya in uu aqbalo dhowr qodob oo badankood maslaxad u ah dowladda Xabashida Itoobiya waxaana qodobadaas kamid ah in Itoobiya ay si rasmi ah uhesho marin badeed, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq uleedahay helitaanka qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Dhexdhexaadinta xukuumadda dabadhilifka Turkiga ee wadahadallaada u dhexeeya Villa Somalia iyo Itoobiya waxay ku saleysantahay dhowr qodob oo badankood lagu cadaadinayo DF-ka federaalka haddii si kale loo dhigana ah kuwa ka shaqeynaya damaca gurrucan ee Xabashidu ku doonayaan qaadashada qeyb kamid ah badda Soomaaliya sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Aadan oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka DF-ka Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee Turkigu shardi uga dhigay wadahadallada waxaa ka mid ah:

*Joojinta xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si loo abuuro jawi wada hadal oo mideysan

*In labada dhinac ku heshiiyaan in xal diblomaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafka.

*In la baabi’iyo walaacyada Soomaaliya ee la xiriira madaxbannaanideeda iyo midnimada dhulkeeda.

*In Soomaaliya ogolaato in ay Itoobiya marin badda ah hesho iyadoo xaq u leh.

*In Itoobiya marin rasmi ah ka hesho badda Soomaaliya laakiin aan loo marin maamulka Somaliland.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in tallaabada ay qaadday dowladda Turkiga aysan farxad gelin xukuumadda Xasan Gurguurte balse aysan ku dhiiran Karin in Turkiga ay usheegto diidmada arrinkaas ku saabsan taas bedelkeed ayay Villa Somalia uweecantay dhanka Masar oo ay lagashay heshiisyo amni iyo kuwa melleteri.

Dowladda dabadhilifka Turkiga ayaa horraantii sanadkan lagu wareejiyay badda iyo barriga Soomaaliya waxaana lafilayaa in Turkigu uu boobo shidaalka iyo kheyraadka dihan ee dhax ceegaaga badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer fagaarayaasha ka sheegay in uusan bad udiidaneyn itoobiya balse uu diidanyahay in ay la macaamisho maamulka isku magacaabay Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Related Items

Update cookies preferences