M/Weyne-xigeenka Jubbaland iyo Taliyaha ciidanka Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa.

Saturday December 14, 2024 - 08:54:02
Liibaan Jeexoow
Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno wasiiro ah oo qayb ka ah wafti maalmo ka hor gaaray Addis-ababa ee xarunta u ah dalka Itoobiya ayaa kulamo la qaatay taliyaha ugu sarreeya ciidamada xabashida Itoobiya.
Maamulka Jubbaland ayaa faafiay sawirro laga soo qaaday kulan dhex-maray Maxamuud Sayid oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe, wasiirka beeraha Axmed Baraaki, wasiirka wasaaradda isgaarsiinta maamulkaaasi Mascuud Cabdullaahi iyo Birhanu Jula oo ah taliyaha ciidanka Xabashida Itoobiya.

Kulanka dhex-maray Birhanu Jula taliyaha ciidanka Itoobiya iyo masuuliyiinta ka socotay maamulka Jubbaland ayaa qayb ka ah dedaallada taageerrada loogu raadinayo dagaalka uu maamulkani kula jiro kooxda Muqdisho. Isagoo kulankani kusoo beegmayo xilli uu gacan-ka-hadal gaaray xiisadaha labadan maamul.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda xabashida Itoobiya ay diyaarado sidda hub iyo saanado ciidan ka dejisay magaalada Kismaayo, waxayna horay usii qaadeen xubnaha weftiga Maxamuud Sayid Aadan, waxayna ka dejisay Addis-ababa, si uu taageero hor leh ugu raadiyo dagaalka uu maamulkiisa kula jiro Xassan Gurguurte.


Related Items

Update cookies preferences