ATMIS oo ka xumaatay si kulul-na u cambaaraysay weerarkii shalay ee xerada Xalane.

Monday November 04, 2024 - 09:08:03
Liibaan Jeexoow
Bayaan uu soo saaray Maxamed Al-Amine Souef oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (SRCC) ahna madaxa hawl-galka ATMIS ayaa lagu cambaareeyey weerar madaafiic ah oo shalay lagu garaacay xarunta ugu weyn soo-duulayaasha ee xerada Xalane ee magaallada Muqdisho.
ATMIS ayaa weerarkan ku tilmaantay mid fool-xun, waxaanay sheegeen inay si kulul u cambaaraynayaan. Iyadoo bayaankana lagu xaqiijiyey dhimashada, dhaawaca iyo burburka ka dhashay weerarkaasi.

Taliska hawl-gallada ee xarakada Al-Shabaab oo isna xalay soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegtay hawl-galkaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Saraakiil caddaan iyo madow isugu jira oo xilal sare ka hayay hey’adihii ka hawl-galayay xerada ayaa weerarkaasi lagu khaarajiyey, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Waxaana lagu arkayay sawirro lagu baahiyey baraha bulshada burburka xooggan ee gaadhay goobihii madaafiicdu ay ku qaraxday.

Related Items

Update cookies preferences