Waxa loogu yeero ururka midowga Afrika ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen mid kamida marxaladihii ugu dambeeyay ee ciidamada shisheeye looga saarayay dalka Soomaaliya.
Max'med Amiin Alsuweyf oo ah ergayga Midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay soo afjareen wejiga sedaxaad ee lagu dhimayay ciidamada soo duulayaasha ee loo yaqaan ATMIS.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidan gaaraya 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya islamarkaana uu soo dhowyahay waqtiga lasoo gaba gabeynayo waxa loogu yeero howlgalka kumeelgaarka ah ee ATMIS.
Markii sedaxda kun ee ciidamada Afrikaanta laga saaray Soomaaliya ayay tirada ciidamada shisheeye noqdeen ku dhowaad 11,600 oo askari marka laga reebo ciidamada Xabashida Itoobiya oo iyagoo Tobanaan kun ah ku sugan gobollada Baay,Bakool,Gedo iyo Hiiraan.
Bilihii lasoo dhaafay ayay ciidamada shisheeyaha Kenya iyo Itoobiya ka gureen deegaanno ay kamid yihiin Kudhaa,Maxaas iyo Cabdalla Biroole .
Arrimahan ayaa imaanaya xilli uu weli khilaaf ka taaganyahay dhismaha isbahaysiga Afrikaanta AUSSOM kaasi oo aan illaa iyo hadda laysku raacin dowladaha kamid noqonaya iyo cidda dusha uridanaysa qarashka ku baxaya.
Isbedelka maamul ee ku yimid dalka Mareykanka iyo khilaafka udhaxeeya dowladaha geeska Afrika ayaa larumeysanyahay in uu ceel kusii ridayo rejadii laga qabay in la howlgeliyo isbahaysi cusub oo Afrikaan ah.