Wararka ka imaanaya cirifka fog ee gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Villa Somaliya ay boqolaal maleeshiyaad ah ku daad-guraysay deegaan ay horay gacanta ugu hayeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe.
Dhowr diyaaradood ayaa saaka aroortii hore illaa barqanimadii maanta ciidamo ka dejiyay deegaanka Raaskaambooni ee dhaca xuduud-beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in diyaarado ka duullay garoonka Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ciidan lagu qiyaasay 500 oo askari ka dejiyeen garoon macmal ah oo ku yaal deegaanka Raas Kaambooni kaasi oo ay kasoo degi jireen diyaaradaha maandooriyaha khaatka ka keena dalka Kenya.
Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in kooxda Villa Soomaaliya ay maleeshiyaad kusoo daabushay Raaskaambooni isagoona goodis adag u diray Xasan Gurguurte madaxa dawladda federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa sare usii qaadaysa xiisadaha colaadeed ee ka dhex aloosan kooxahan kawada tirsan daba-dhilifyada u adeegga shisheeyaha.
R/wasaaraha Xamse ayaa la sheegayaa in duleedka Kismaayo uu ku diyaarsaday ciidan isaga daacad u ah oo uu rabo in uu ku weerarro magaallada Kismaayo.
Ciidankan oo amar ka sugaya Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in ay foodda geliyaan ciidanka Axmed-madoobe, kuna dagaallamaan deggaano ka tirsan Jubbada hoose.
Tallaabadan ciidanka looga dejiyey Raaskaambooni ayaa imaanaysa maalmo kadib markii ay ciidanka Itoobiya ee ku sugan Gedo ay diideen in diyaarado ka yimid Muqdisho ay ku degaan garoonnada Dooloow iyo Garabahaarey.