Wasiirro katirsan dowladda Xabashida Itoobiya oo Muqdisho soo gaaray iyo xog laga helay.

Thursday January 02, 2025 - 18:59:15
Liibaan Jeexoow
Abiy Axmed oo ah hoggaamiyaha dowladda Xabashida Itoobiya ayaa mas'uuliyiin sarsare usoo diray magaalada Muqdisho si ay xukuumadda Xasan Gurguurte uga saxiixdaan heshiisyo hor leh oo ay ku boobayaan kheyraadka dalka.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta duhurkii soo gaaray wafdi ay hoggaaminayso Caa'isha Muxamed Muuse oo ah wasiiradda difaaca dowladda Itoobiya iyo Mesganu Arga oo ah wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga uu kamid yahay Jeneraal Birhanu Jula oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidanka Xabashida islamarkaana lagu xasuusto hadalladii uu jeedin jiray ee uu ku ihaanaysanayay Xasan Gurguurte.

Warbaahinta afka Amxaariga ku hadasha ayaa sheegtay in ujeedka socdaalka wafdigan uu yahay sidii Itoobiya ay kooxda Xasan Gurguurte uga dhammeystiran laheyd qodobada ka dhiman heshiiskii Ankara sida in lacalaamadeeyo goobta ay saldhigga ka sameysanayaan ciidanka badda Itoobiya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wasiiradda difaaca Itoobiya ay xerada Xalane ku saxiixi doonto heshiis cusub oo Xabashida u ogolaanaya in kumanaan katirsan ciidamadeeda ay xoog kusii joogaan Soomaaliya iyagoo qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM iyo iyagoo aan qeyb ka aheyn.

Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda DF-ka ayaa isna xaqiijiyay in Itoobiya ay ciidamo ku yeelan doonto howlgalka cusub ee Afrikaanta islamarkaana ay labada dhinac heshiis buuxa gaareen.

Related Items

Update cookies preferences