Sarkaal katirsanaa Maleeshiyaadka Danab oo isagoo tahriibaya ku dhintay Liibiya [Warbixin].

Thursday January 02, 2025 - 17:45:24
Liibaan Jeexoow
Mowqica Hornobserver (Hoon Observer) ayaa daabacay warbixin ku saabsan halaagga sarkaal ka tirsanaa murtazaqada uu Maraykanku ku adeegto ee Danab loogu yeero kaasi oo ku dhintay saxaraha lama degaanka ah ee Liibiya.
Sarkaalkan oo la oran jiray Ismaaciil Macallin Buule ayaa ka tirsanaa ciidanka Danab, waxay si gaar ah isugu dhawaayeen Xasan Tuurre taliye ku xigeenkii ciidankaasi DF-ka iyo abaanduulihii ururkaasi, kaasi oo jihaadiyiintu ay ku khaarajiyeen weerarkii degmada Galcad.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiil kooban oo si dirqi ah kaga badbaadday weerarkii Galcad oo dhacay bishii Janaayo sanaddii 2023, waxaana uu sidoo kale ka qayb qaatay duullaano ashahaada la dirir ah oo Mareykanka ku qaaday wilaayaadka islaamiga ah ee Hiiraan, Galgaduud Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Hornobserver ayaa sheegay in sarkaalkan ku halaagsamay saxaraha Liibiya uu ka mid ahaa maleeshiyadkii Danab ee duullaanka ashahaada la dirir ah kusoo qaaday duleedyada degmada Buulo-burte halkaas oo qaraxyo iyo dagaallo toos ahba lagula galay.

Wuxuu intaas ku daray in sarkaalkan dhowr jeer ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana ka mid ahaa howlgal qarax ah oo dagaalyahannada Jihaadiga ah ka fuliyeen Sh/hoose 2022-kii, halkaas oo uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Wuxuu ahaa nin ashahaada la dirir ah oo ka dhinac muuqan jiray saraakiisha sar sare ee maleeshiyaadka Danab, sawirro uu mowqicu faafiyay ayaa muujinayay sarkaal oo ku fooggan weeraro ka dhan ah dadka muslimiinta.

Sarkaalkan wuxuu ka mid ahaa saraakiil dhowr ah oo anfariir ka qaaday howlgallada ciidan ee jihaadiyiinta sida weerarkii Galcad iyo kuwii kasii horreeyay, saaxiibkiisa Xassan Tuurre markii lagu dilay duullaankii Galcad ayuu usoo wareegay dhanka Sh/dhexe, wuxuu ka mid ahaa saraakiil iyo maleeshiyaad la dejiyay Jowhar.

Hornobserver oo ilo kala duwan soo xiganaya ayaa sheegay in Ismaaciil Macallin Buulle ay soo wajahday mushahar la’aan bilooyin ah, cunto la’aan, daryeel caafimaad la’aan, musuq-maasuq iyo nin jeclaysi.

Sarkaalkan oo ay ka muuqdaan dhaawacyada kasoo gaaray furimaha dagaal, dhagihiisana ka guuxayaan howlgalladii uu dirqiga kaga badbaaday ayaa ugu dambayn soo galay Muqdisho, halkaas kuma nabad geline, isagoo cabsi iyo baqdin darin ka muuqdaan ayuu miciin biday in uu Tahriibo, ugu dambaynna iska dhiibay kooxaha dadka Tahriibiya, isagoo safarkaas mugdiga ah ku jira ayuu ku bakhtiyay saxaraha lama degaanka ah ee Liibiya.

Ismaaciil ayaa da’diisa lagu sheegay 27 jir, ilo kale ayaa sheegaya in uu u halaagsamay dhaawacyadii darnaa ee kasoo gaaray howlgallada millatari ee jihaadiyiinta Al shabaab , Ismaaciil Buulle kaliya ma ahan balse waxaa jira saraakiil kale oo ka tirsanaa Gorgor, Danab iyo ururada kale ee ciidanka dowladda, kuwaas oo markii ay u adkeysan waayeen jaxiimada dagaalka ee la geliyay isku shubay saxaraha Liibiya.

Related Items

Update cookies preferences