Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa tibaaxaya qarax culus oo xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen deggaanka Buufow.
Qaraxan oo ahaa mid culus ayaa lala eegtay maleeshiyaadka dawladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sirdoonka ee loo yaqaan NISA.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka NISA.
Weerarrada lagu beegsanayo maleeshiyaadka daba-dhilifyad ah iyo ciidamada gumaysiga ee soo duullay ayaa si joogta ah uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.