Dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-Shabaab ayaa maanta hawl-gal qorshaysan ka fuliyey gudaha magaallo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in hawl-galkan oo ka dhacay Ex Kantarool Balcad lagu dhaawacay Guure Maxamed Xirsi oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee maamulka xaafadda Daarusalaam ee Muqdisho.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in markii dagaalyahannadu fuliyeen weerarkan ay horey kasii kaxaysteen baabuur uu watay guddoomiyuhu oo noociisu ahaa PARADO.
Weerarrada ka dhanka ah shisheeyaha soo duullay, dawladda federaalka iyo canaasiirta ku daabban oo dhan ayaa si joogta ah uga socda gayiga Soomaaliyeed.