Wadanka Suuriya waxaa weli ka socda dabaal degyo ballaaran oo ay dhigayaan shacabka Muslimiinta ee ka xoroobay nidaamkii gummeysiga Bishaar Al-Asad.
Malaayiin qof ayaa isugusoo baxay magaalooyinka waaweyn oo ay kamid tahay caasimadda Dimishiq, kumanaan kun oo maxaabiis ah ayaa lagasii daayay xabsiyada kala duwan ee wadanka kuwaas oo tacadiyo daran kala kulmi jiray maleeshiyaadkii nidaamka Bishaar Al-Asad.
Dhinaca kale waxaa magaalada Dimishiq gaaray kolonyo ballaaran oo ay la socdaan mas'uuliyiinta cusub ee wadanka kuwaas oo ah xoogaggii kacdoonka ee riday nidaamkii Bishaar Al-Asad.
Ku dhowaad 200 oo gaari dhammaantoodna sida askar iyo saraakiil ayaa gudaha ugalay magaalada Dimishiq, warbaahinta ayaa sheegtay in ciidamada gaarka ah ee xoogagga sunniga lageeyay caasimadda Suuriya si ay ula wareegaan amniga wadanka.
Hoggaamiyaha kacdoonka oo hadal kooban siiyay warbaahinta wuxuu sheegay in ay ku soconayaa dhabbihii ay jeexeen sanaddii 2011-kii.