Mucaaradka Suuriya oo magacaabay R/wasaare cusub kadib dhiciddii nidaamka Bishaar Al-Asad [Warbixin]

Monday December 09, 2024 - 16:18:09
Liibaan Jeexoow
Kadib kulamo saacado badan qaatay oo magaalada Dimishiq ay ku yeesheen hoggaanka xoogagga Sunniga ee ku guuleystay in ay ridaan nidaankii Bishaar Al-Asad ayay ku magacaabeen R/wasaare cusub oo KMG ah kaasi oo soo dhisi doono xukuumad dalka maamusha.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Axmed Alsharci oo ah hoggaamiyaha golaha melleteriga howlgalkii Radcul Cudwaan islamarkaana madax u ah Hay'adda Taxriiru Shaam.

R/wasaaraha cusub ayaa laga dhigay nin lagu magacaabo Max'med Albashiir oo xubin ka ahaa guddiga siyaasadda ee kooxaha mucaaradka.

Haddaba maxaan ka naqaan taariikhda R/wasaaraha cusub?

Injineer Maxamed Al-Bashiir ayaa ku dhashay degmada Azaawiyah ee Gobolka Idlib sanadkii 1983.

Waxbarashadiisa waa aqoonyahan haysta dhowr shahaaddo oo dhanka maadiga ah, wuxuu haystaa shahaad jaamacadeed oo dhanka injineernimada korontada iyo elektarooniga ah gaar ahaan qeybta isgaarsiinta wuxuuna ka baxay jaamacadda Xalab sanadkii 2007.
Kuliyadda daraasaadka shareecada Islaamka ayuu shahaadada sare ka qaatay Jaamacadda Idlib.

Khibradihiisa Shaqo:

Wuxuu soo noqday Madaxa waaxda qalabka iyo sahayda ee gaaska shirkadda Gaaska Suuriya, sanadkii 2011 ka hor intii uusan ku biirin kooxaha mucaaradka.

Wuxuu soo noqday Agaasimaha Machadka Waxbarashada ee Al-Amaal muddo ku siman hal sano.

Sidoo kale wuxuu soo noqday Agaasimaha Waxbarashada Shareecada Islaamka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Wacyigelinta muddo laba sano iyo bar ah.

Max'med Al Bashiir ayaa helay Shahaado maamulka mashaariicda oo laga bixiyay Akadeemiyadda Caalamiga ee Tababarka, Luqadaha, iyo La-talinta sanadkii 2021.

Ninkan ayaa sanado ka hor wuxuu deegaannada xorta ah ee waqooyiga Suuriya wuxuu ka noqday wasiirka Horumarinta iyo arrimaha Bani'aaddanimada ee xukuumaddii mucaaradka taasi oo loogu magac daray "Xukuumadda badbaadada".

Bilihii ugu dambeeyay ayuu ahaa madaxa xukuumadda badbaadada ee deegaannada waqooyiga Suuriya gaar ahaan gobolka Idlib, dadka yaqaan ayaa ninkan ku tilmaamay in uu yahay mid leh aqoonta dhanka maamulka iyo maareynta.

9.December 2024 ayuu noqday R/wasaarihii ugu horreeyay ee Suuriya ay yeelato maalmo kadib markii lariday nidaamkii qoyska Aala Asad ee wadanka maamulayay wax kabadan 61 sanadood.


Related Items

Update cookies preferences