Mas'uul horey uga tirsanaa DF-ka Soomaaliya oo sheegay in Trump ciidamadiisa uu kala bixayo Somaliya.

Sunday December 08, 2024 - 17:13:12
Liibaan Jeexoow
Waxaa walaac laga muujinayaa mustaqbalka kooxda Villa Soomaaliya xilli hoggaanka kooxdan uu wajahayo gebi-dhaclayn siyaasadeed iyo azmo dhanka ammaanka ah.
Cabdisalaan Guuleed oo soo noqday taliye ku xigeenka sirdoonka kooxda Villa Somaliya ayaa ka dardaar weriyay mustaqbalka kooxdan marxaladdan ay isbedelladu ka dhacayaan caalamka gaar ahaan bariga qaaradda Afrika.

Ciidamada afrikaanta ee waqtigoodu sii dhammaanayo waxaa hareeyay khilaafaadyo u dhaxeeya dowladaha midowga afrika oo ku aaddan cidda maalgelinaysa ciidankan iyo dowladaha ay ciidamadani ka imaanayaan.

Sidoo kale madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa la sheegay in uu ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya, arrinkaas oo walaac hor leh ku abuuraya kooxda Gurguurte sida uu sheegayo taliye ku xigeenkii hore ee sirdoonka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu ku fashilmay dhammaan ballan-qaadyadii uu jeediyay markii uu xilka qabtay waxaana ka mid ahaa in uu bilo kooban kusoo afjarayo Al-Shabaab, ballanqaadkaas oo noqday hadaaq aan waxba ka suurta-gelin.

Xasan Gurguurte ayuu sheegay in dhowr jeer uu Afrikaanta ka codsaday sidii ay ciidamada shisheeye dalka u sii joogi lahaayeen balse markan waa ku hungoobay.

Related Items

Update cookies preferences