Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka ka qarxay duleedka deggaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka oo haatan si toos ah uga socda deggaannadaasi ayaa dhex-maraya ciidanka Dawladda Federaal-ka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalku uu haatan sii xoogaystay, kana socdo aagagga deggaan lagu magacaabo Manaraani oo qiyaastii 30 KM u jira Raaskambooni.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aanu helnay, dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidanka Jubbaland ku dhawaadeen aagga ay fadhiyaan ciidanka DF-ka Somaliya.
Labada dhinac weli kama aanay hadal, balse Jubbaland TV ayaa goor dhawayd xaqiijiyey dagaalkaasi, isagoo weerarka ku eedeeyey dhanka ciidanka DF-ka Soomaaliya.
Jubbaland TV, waxa uu sheegay in ciidanka Jubbaland ay jab xooggan gaarsiiyeen ciidanka DF-ka, lana wareegeen difaacyada hore ee ay kaga jireen deggaanka Raaskambooni.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in dagaalka oo weli socdaa uu geystay khasaare labada dhinac ah oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo gaadiid dagaal oo la gubay.
Dagaalkan oo beryahanba la isku hub urursanayay, abaabulkiisuna ka socday gobolka Jubbada hoose ayaa yimi kadib khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay Xasan Sheekh iyo Axmed-madoobe.
Wixii warar ah ee kasoo kordha la socda Insha Allaah...