FAAH-FAAHIN: Weerarro lagu wiiqay askarta dawladda oo ka dhacay gobollada Banaadir, Bakool iyo Sh. hoose.

Tuesday December 10, 2024 - 08:26:21
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fuliyey gobollada Banaadir, Bakool iyo Shabeellaha hoose.
Gobolka Banaadir, Qarax culus oo lala beegsaday baabuur Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyada dawladda federaalka ayaa ka dhacay deggaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen 2 sarkaal oo baabuurka la socday, halka 3 askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xog dheeraad ah ayaanu ka helnay saraakiisha dhimatay, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Muuse Moos oo ahaa taliyaha ururka deggan deggaanka Arbacow.

Sidoo kale sarkaalka labaad ayaa isna magaciisa lagu soo koobay Kuuriyaan, waxaanu ahaa taliyaha caafimaadka ee ururka Arbacow.

Wararka aanu ka helnay dhacdadaasi ayaa sidoo kale sheegaya in baabuurka ay miinadu la kacday uu gabi ahaanba gubtay. 

Gobolka Bakool, waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku mireen xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur.

Sidoo kale dagaalyahannadu waxay dagaal culus ku qaadeen xerada maleeshiyaadka Koonfur Galbeede ee dgmada Ceel Barde ee gobolka Bakool.

Gobolka Shabeellaha hoose, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay baabuur ku socdaalayay waddada xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Baabuurkan oo noociisu ahaa Dandiyeeshe uu agabyo ciidan geeyay saldhiga Bilidoogle kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Related Items

Update cookies preferences