Ciidamada maamulka Somaliland ayaa tafaasiil ka bixiyey dil argagax leh oo ka dhacey Galbeedka Sool halkaas oo lagu diley marxuumad lagu magacaabi jirey Barwaaqo Cali Saleebaan.
Marxuumada ayaa jirkeeda laba qaybood loo kala jarey waxaana lagu kala ridey laba goobood oo isu jira 15km sida ay Booliska Somaliland sheegeen.
Falkan oo dhacey 4/12/2024 ayaa lagu eedeeyay marxuumadda dhimatey ninkeeda oo lagu magacaabo Shucayb Cali Xasan.
Gabadha dhimatey ayaa haysatey 2 carruur ah da’deedana waxa lagu sheegay 20sano.
7/12/2024 ayaa qaybta dambe ee jirkeeda laga helay deegaan lagu magacaabo Badyarey oo ka tirsan degmada Caynaba ee Gobolka Sool.
Qaybta hore ee jirkeeda ayaa sidoo kale la sheegay in laga helay barkad ku taalla degmada Gar’adag ee Gobolka Sanaag.
Eedaysanaha ayaa baaris lagu wadaa laakiin ma cadda waxa ku kallifay in uu falkan ku kaco.
Dhacdadan ayaan hore u soo marin dadka laakiin waxa jirtey dhacdo toban sano ka hor ka dhacdey magaalada Hargeysa oo gabar inta la diley lagu aasey guri dhexdii balse taasi waxa ay u dhexaysay laba dumar ah oo muran lacageed ka dhexeeyay.
Geesta kale waxa soo badanaya dilka lammaanayaasha ee Soomaalida.
Dhawaan ayaa haweenay uu ninkeedii ku gubay magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir kaas oo lagu xukumay dil.