Waxaa weli isa soo taraya wararka kala duwan ee kasoo baxaya dagaallo saaka ciidanka dawladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ku dhex-maray deggaano dhaca duleedka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalladan oo ahaa kuwo aad u culus isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinacba waxay soo saareen warar is-khilaafsan.
Shir jaraa’id oo wasiir-ku-xigeenka amniga maamulka Jubaland Aaden Axmed Xaaji uu goor dhawayd qabtay ayaa sheegay in weerar xaq-darro ah lagu soo qaaday, isna difaaceen, isla markaana ay jabiyeen ciidankii soo duullay.
Wasiirku waxa uu xusay in dagaalku uu bilawday kadib markii ciidanka Muqdisho laga keenay ee ku sugan Raaskambooni ay saaka diyaarad Drone ah kusoo weerareen ciidanka Jubbaland.
Sidoo kale wasiirku waxa uu ka dhawaajiyey in Hurin ka mida ciidanka Xasan Gurguurte ay isa soo dhiibeen, isla markaana ay si fiican ula dhaqmi doonaan, una abaal-marin doonaan.
Waxa uu nasiib-darro weyn ku tilmaamay in hubkii iyo gaadiidkii ummadda Soomaaliyeed loo adeegsaday dad Soomaaliyeed. Isagoo ballan-qaaday inay soo bandhigi doonaan dalalka iska leh Drones-ka lagu soo weeraray.
Dhanka kale War-saxaafadeed ay goor dhawayd soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidan uu Axmed-madoobe soo qalday ay saaka weerar ku qaadeen fariisin ay ciidankoodu ka deggenaayeen Jubbada hoose.
Warsaxaafadeedka Gaashaandhigga laguma sheegin wax guul ah oo ay dagaalkaasi kasoo hoysay dawladda federaalku. Sidoo kalena laguma xusin wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacooda iyo dhinac Jubbaland toona.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay eedayn culus u jeedisey Axmed-madoobe oo ay sheegtay inuu xiriir la sameeyey Al-Shabaab, sidaas darteedna ay arrintaasi keentay in ay ciidankiisu ay si nabad-galyo ah kusoo dhex-maraan xoogagga Al-Shabaab.
"Ficillada Qaran-dumiska ah waxa uu ku mutaysandoonaa ciqaab-sharci oo adag” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in garoonka Raaskambooni ay la wareegeen ciidanka Jubbaland, iyadoo dhanka DF-kana laga soo tebinayo warar aan sugnayn oo tibaaxaya in saraakiil is-dhiibtay iyo ciidan dhaawacmay oo Jubbaland ah ay jiraan.
Maadaama is-gaarsiintii rasmiga ahayd ee deggaankaasi go'an tahay, weli ma aanaan helin warar sugan oo ka madax-bannaan labada dhinac oo iftiimin kara xaqiiqda dagaalkii saaka dhacay iyo sidii loo kala guulaystay.
Dagaalkan oo abaabulkiisu beryahanba ka socday gobolka Jubbada hoose ayaa yimi kadib markii khilaaf xooggan oo dhanka siyaasadda ah uu soo kala dhex-galay labada daba-dhilif ee Xasan Gurguurte iyo Axmed-madoobe.