FAAH-FAAHIN: Weerarradii u dambeeyey ee lagu qaaday Ciidamada Uganda, Itoobiya, Kenya iyo maleeshiyada DF Somaliya.

Saturday December 14, 2024 - 08:25:29
1041
Liibaan Jeexoow
Hawl-gallo isugu jira weerarro toos ah, qaraxyo iyo duqan dhanka madaafiicda ah ayay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen gobollo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo weliba deggaanka Laamu ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeellaha hoose ayaa aroornimadii hore ee saaka oo Sabti ah, dagaal culus kula jarmaaday xerada ciidanka Uganda ee No 60.

Sidoo kalena dagaalyahannadu waxay xalay dagaal culus ku mireen xerada ciidanka Uganda ee degmada Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Gobolka Baay, waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu qaaday xerada ciidanka Xabashida Itoobiya ee demada Bardaale.

Gobolka Jubbada hoose, waxaa xalay ka dhacay 2 qarax oo lala beegsaday maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ee gudaha magaallada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen 5 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Axmed-madoobe, kuwaas oo labo ka mid ah dhaawacoodu garaab yahay.

Weerar culus oo lagu beegsaday xero ay deggen yihiin maleeshiyaadka dawladda federaalka ayaa habeen hore ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gobolka Shabeellaha hoose, dagaal culus oo lagu miray askar Ugandhiis ah ayaa habeen hore ka dhacay xero ay kaga sugnaayeen deggaanka Danow.

Sidoo kale , habeen hore waxaa madaafiic lagu garaacay xerada Xabashida Itoobiya ay ka deggen yihiin degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay.

Weerar kale ayaa sidoo kale ka dhacay isla gobolka Baay, kaas oo habeen hore lagu beegsaday maleeshiyaadka maamulka K.Galbeed ee deggaanka Awdiinle oo hoos-taga Baydhabo.

Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay khamiistii lasoo dhaafay qarax culus oo lala beegsaday maleeshiaad ku sugnaa goob ay isbaaro u taallay.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu geystay khasaare soo gaaray maleeshiyaadka, kaas oo si gaar ah uga dhacay gudaha degmada Jalalaqsi.

Deggaanka Laamu oo ka tirsan dhulka muslimiinta ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay qarax lala beegsaday askarta Kenya.

Askartan ayaa la weeraray xilli iyagoo Kolonyo ah ay ka baxeen magaallada Maliindi kuna sii jeedeen deggaanka Kaambooni.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi uu haleelay gaari Kooyal ah, kaas oo gabi ahaanba shuf-beellay, askartii la socotayna ay ku dhinteen.

Waxaa si xooggan oo dardar leh u socda hawl-gallada lagu dhiig-bixinayo shisheeyaha soo duullay ee caddaan iyo madawba leh iyo weliba maleeshiyaadka ku daabban ee Soomaalida.

Related Items

Update cookies preferences