Jabhadda mucaaradka OLA oo ku dhawaaqday in ay dishay 250 askari oo Itoobiyaan ah.

Sunday December 29, 2024 - 12:14:11
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo lagu hoobtay ay marbkale dib uga qarxeen dhowr deegaan oo ka tirsan ismaamullada Oromada iyo deegaanno dhaca dhulka gummeysiga ku jira ee Soomaali Galbeed.
Kooxda mucaaradka Oromada ee loo yaqaan OLA ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaallo cuslus oo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay dhul ballaaran oo Itoobiya ka tirsan.

Warsaxaadeed watay sawirro caddeymo u ah waxa ay sheeganayaan ayaa kasoo baxay xafiiska milleteriga kooxdan, waxaana ugu muhiimsanaa tafaasiisha ilaa saddex hawl-gal. 

Hawl-galladaasi ayaa waxaa kamid ahaa weerar kamiin ah oo lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas'uuliyiinta xisbiga talada haya ee PP xilli ay kolonyadu maraysay gobolka Liibaan ee dhulka Soomaali Galbeed.

Sida lagu sheegay bayaanka jabhadda OLA weerarka waxaa lagu dilay saraakiil ka tirsan booliska federaaliga ah iyo 7 ka mid ah mas'uuliyiinta xisbiga Abiy Axmed ee loo yaqaan Barwaaqo kuwaas oo ahaa heer degmo.

Khasaaraha ugu culus wuxuu ciidamada nidaamiga xabashida kasoo gaaray dagaallo laysku hilboobay oo labada dhinac ku dhex-maray bariga gobolka Sheewa.

Wararku waxay sheegayaan in xaddiga dagaallada ay sababeen in ay xiranto wadada tareennada ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya, ciidamada xabashida ayaa dagaalka u adeegsanayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ellekabtarrada loo yaqaan.

Kooxda OLA waxay sheegtay in weerar qorshaysan oo dagaalyahannadeedu ay ku qaadeen xabsiga dhexe ee deegaanka Gooji ay kusoo xoraysteen 20 ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee jabhadda kuwaas oo halkaasi ku xirnaa.

Jabhadda xoreynta Oromada garabkeedka melleteri ayaa ku dooday in isku geyn ay dagaallada ka socda bariga sheewa ay ku dileen 250 askari oo katirsan melleteriga itoobiya.

Dagaallada ayaa soo gaaray degmada Adaa Bariiga oo qiyaastii 60Km ujirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, mas'uulyihiin u hadlay OLA waxay sheegeen in ay cagta mariyeen gaas katirsan ciidanka Abiy Axmed ayna gacanta ku dhigeen bakhaar ay ku jireen keydad hub ah kuwaas oo ubadnaa qoryaha shahiikaha loo yaqaan.

Sawirro ay mucaaradku ku lareen sheegashadooda ayaa muujinayay hub tira badan oo ay ka qabsadeen ciidanka Xabashida, wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalkan oo ay ugu magac dareen Cabdi Sabac oo ahaa hoggaamiye kooxda horay looga dilay uu gallaaftay nolosha 250 askari Itoobiyaan ah islamarkaana lagu qafaashay 60 askari.

OLA waxay ku andacoonaysaa in dagaalyahanadeedu ay xoogga saarayeen saldhigyada ciidamada nidaamka Abiy Axmed iyo beegsiga kolonyooyinka marka ay waddooyinka ku safrayaan.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin xukuumadda Addis Ababa oo ku saabsan sheegashadan ka timid kooxaha mucaaradka Oromada ugu awoodda badan, iyadoo badanaaba dowladda Itoobiya loogama baran in ay xaqiijiso ama beeniso khasaaraha soo gaara ciidamadeeda.

Related Items

Update cookies preferences