Waxaa sii xoogaysanaya damaca gurracan ee dawladda Xabashida Itoobiya ku rabto inay ku xayuubsato qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliya, kadib heshiiskii xaaraanta ahaa ee bilawgii sanadkan sii dhammaanaya ay Biixi iyo Abiy ku kala saxiixdeen magaallada Addisa Ababa.
Misganu Arga oo ah wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee waddanka Itoobiya oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay ayaa sheegay in helista marin-biyoodku ay ugu fadhido muhimad ballaaran isla markaana ay tahay lagama maarmaan.
Wasiiru-dawluhu waxa uu shaaca ka qaaday sida ay uga go’an tahay in ay yeeshaan deked, isaga oo sheegay in badbaadada Itoobiyaanku ay ku jirto marin-badeed ay ka helaan Badda Cas, si koboca dhaqaallahayaguna ayuu yiri usii siyaado.
"Helitaankaasi waa mid lagama maarmaan ah oo aan kaliya muhiim u ahayn koboca dhaqaalaha deg-degga ah ee dalka, laakiin sidoo kale wuxuu muhiim u yahay horumarka gobolka iyo beesha caalamka guud ahaan,” ayuu yiri wasiiru-dawluhu.
Misganu, waxa kale oo uu xusay in baahiyaha ganacsi ee sii kordhaya ee Itoobiya ay u baahan yihiin marin-badeed la isku halayn karo, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay ka go’antahay xaqiijinta geeddi-socodka marin-badeed ay helaan.
Mas’uulkan Itoobiyaanka ah ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey damacooda sii kordhaya ee arrinta helitaanka Baddu ay sumcad usoo jiidday siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaanu ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed.
Sidoo kale wasiiru-dawluhu waxuu carabaabay in danaha gaarka ah ee ay ka leeyihiin marin-biyood ay ka helaan Badda Cas ay tahay la-dagaallanka wuxuu ugu yeeray argagixisada. Isagoo tusaale u soo qaatay dagaallada islaam-la-dirirka ah ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Hadalka kasoo yeeray mas’uulkan Xabashiga ah ayaa imanaya kadib booqasho sabtidii uu M/weynaha Faransiisku ku tagay Addis Ababa kana sheegay in Itoobiya gaari doonto meel ku dhow marin-biyoodka caalamiga ah ee Baabul Mandab.
Maakroon wuxuu markii ugu horeysay carrab-dhabay in Itoobiya ay doonayso dekadda magaallada Zeylac ee gobolka Awdal ee waqooyiga dalka Soomaaliya, Faransiiskuna uu ciidamada Itoobiya ka taageeri doono xaqiijinta damacaasi.