Wararka ka imaanaya deegaanno dhaca duleedyada magaalada Muqdisho oo xiga dhanka gobolka gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen iska hor'imaadyo ay dhowr qof ku dhinteen.
Iska hor'imaadyadan oo ka dhacay inta udhaxaysa Balcad iyo degmada Warsheekh waxaa ku lug lahaa maleeshiyaad katirsan DFS kuwaas oo huriyay colaad udhaxaysa beelo walaalo ah.
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmooyinka Balcad iyo Warsheekh Sh/dhexe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan golaha baarlamaanka dowladda in uu mas'uul ka ahaa colaadda isla markaana ay maleeshiyaadkiisu dad shacab ah dileen iyagoo hurinaya colaad beeleed.
Waxay sheegeen in Xaadoole uu dhowr baabuur oo Tikniko ah u diray deegaannada ay colaaduhu ka jiraan isla markaana uu diiday in la dhex-dhaxaadiyo dhinacyadii dagaallamay.
Sarkaal kale oo ka tirsan maleeshiyaadka DF-ka ayaa isna si toos ah ugu lug lahaaday colaadda waxaana baraha bulshada lagu faafiyay isagoo maleeshiyaad kusii daabulaya goobta dagaalka.
Wax-garadka kasoo jeeda degmooyinka Warsheekh iyo Balcad ayaa ugu baaqay dadka dagaallamaya in ay dirirta joojiyaan oo aysan ku dagmin dabinnada ay uqoolayaan saraakiisha dowladda ee umuuqda in ay ka macaashayaan hurinta colaadda beelaha.
Gees ka gees colaado u dhaxeeya beelo walaala ah ayaa laga soo werinayaa dalka Soomaaliya waxaana colaaddan hurinteeda kaalin weyn ku leh saraakiisha iyo madaxda DFS.
Ahdaafta ugu waaweyn ee cadowgu ka leeyihiin xamaladaadka ashahadda-la-dirirnimo ee ay ku qaadeen deggaannada lagu maamulo shareecada waa in ay meesha ka saaraan deganaanshiyaha, nabadda iyo walaalnimada ka dhaxaysa dadka beelaha Soomaaliyeed.
Deggaannada lagu maamulo shareecada ayaa ah meelaha ugu nabadda badan dalka Soomaaliya waxayna jihaadiyiintu juhdi dheeraad ah ku bixiyeen ka hortagga dirirta beelaha waxaana khilaaf walba lagu xalliyaa ku dhaqanka shareecada Islaamka.