Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor'imaad hubaysan uu dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan DF-ka.
Sida ay sheegeen dad ku sugan gobolka Hiiraan iska hor'imaad muddo daqiiqada ah socday ayaa duleedka magaalada Beled Weyne ku dhaxmaray ciidamo u ilaalo u ahaa Sanbaloolshe taliyaha sirdoonka DF-ka iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in Macaawisleyda isbaaraleyda ah ay rasaas ku furtay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Sanbaloolshe kadibna waxaa qarxay iska hor'imaad culus.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii isbaaradu utiillay lagala wareegay deegaankii lagu dagaallamay waloow ay saaka markale dib ugusoo laabteen isbaaradii xalay laga qaaday.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii isbaaradu utiillay lagala wareegay deegaankii lagu dagaallamay waloow ay saaka markale dib ugusoo laabteen isbaaradii xalay laga qaaday.