Madaxweynaha maamulka goonni goosadka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo maanta wareegto soo saarey ayaa sheegay in uu dhisayo Guddida Nabadda SL.
Qoraal lagu baahiyey Xafiiska Madaxtooyada SL ayaa lagu sheegay in guddidani ay lahaan doonto xafiisyo ku kala baahsanaan doona deegaannada SL iyo shaambad u gaar ah.
Guddoomiyaha Guddida ayaa laga dhigey nin lagu magacaabo Cabdilqaadir Jirde oo hore u soo noqday Guddoomiye Xigeenka Golaha Wakiillada SL.
Wareegtadan uu Cirro soo saarey ayaa noqonaysa mid uu ku doonayo in uu ku dejiyo colaadaha ka taagan Gobollada Bari ee maamulkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay colaado ka taagnaayeen.
Ugu dambayn xubnaha guddida ayaa ah 7 xubnood oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenku.
1: Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde(Guddoomiye)
2: Jaamac Axmed Maxamed (G. Xigeen)
3: Xasan Axmed Ibraahin (Xubin)
4: Cali Siciid Raygal (Xubin)
5: Maxamed Jaamac Abgaal (Xubin)
6: Shucayb Maxamed Muuse (Xubin)
7: Maxamed Iid Dhimbiil (Xubin)