C/Raxmaan-Cirro oo ka hadlay qorshaha Trump ee barakicinta reer Qaza.

Thursday February 13, 2025 - 18:27:20
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka gobollada waqooyi ee la baxay Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo waraysi siiyay Telefishanka Sky News Arabia, ayaa wax laga weydiiyey qorshaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsan in Somaliland ay qaabili karto dadka reer Fialstiin ee laga soo bara-kicinayo Marinka Gaza.
Cirro oo ka meermeeraya inuu dhiibo war-celin cad ayaa sheegay ina aanay Somaliland weli kala tashan Maraykanka qaabilaadda Qaxoontiga Falastiiniyiinta, balse ay filayaan in arrintan lagala tashado ka hor inta aan go’aan laga gaadhin.

Waxa uu intaa ku daray in reer Falastiin ay yihiin walaalahood oo ay ka mudan yihiin naxariis, isagoo ku celiyey muhiimadda ay leedahay wada-tashi dublamaasiyadeed ka hor inta aan la qaadin mowqifka ugu dambeeya ee arrinkan.

C/raxmaan-Cirro, geesta kalena waxa uu carabaabay in Somaliland ay ka tirsan tahay wadamada Carabta, isla markaana uu xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyahay dhawr waddan oo Carbeed, oo qaarkood ay safaarado uga furan yihiin. Waxaanu tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dalalka Carabta kala tashato arrimaha gobolka oo ay ka mid tahay arrinta qaxootiga Falastiin, si loo helo ayuu yidhi mawqif midaysan.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay doonayso in ay qayb firfircoon ka noqoto dadaallada Carabta ee lagu kobcinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dalalka Carabta si loo gaadho go'aanno istiraatijiyadeed oo u adeegaya danaha qof walba.

Cirro waxa uu sidoo kale ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha dalkiisa iyo xoojinta xidhiidhka uu la leeyahay dalalka Carabta iyo quwadaha waaweyn, isagoo sheegay in xasiloonida ay Somaliland ku naaloonayso ay u suurto-gelinayso inay horumar iyo barwaaqo dheeraad ah gaadho mustaqbalka.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa ka qayb-galay isla markaana hadal laga siiyey Shirka Dowladaha Dunida oo 11 February, 2025 ka furmay magaallada Dubai ee caasimadda Imaaraatka carabta. Iyadoo geesta kalena ilo-wareedyo aanu helnay sheegayaan in madaxweynaha DF Somaliya loo diiday inuu ka qayb-galo shirkaasi.

Related Items

Update cookies preferences