Kooxaha Kacdoonka oo madaxweynaha cusub ee Suuriya u udoortay Axmed Al Sharci.

Thursday January 30, 2025 - 11:26:21
Liibaan Jeexoow
Kadib kulan ballaaran oo ka dhacay qasriga madaxtooyada wadanka Suuriya ayna ka qeyb galeen kooxihii Kacdoonka wadankaas ayaa lagu iclaamiyay in uu guuleystay halgankii ballaarnaa ee soo billaawday sanaddii 2011-kii.

Bayaan kasoo baxay shirka ayaa lagu iclaamiyay in lakala diray dhammaan kooxihii hubaysnaa ee dagaalka adag lasoo galay nidaamkii Bishaar Al-Asad hadda kadibna ay wadanka ka hana qaadday dowlad cusub.

Waxaa la iclaamiyay in lakala diray dhammaan golayaashii xukuumadda ee nidaamkii Al Asad sida baarlamaanka,laammihii amniga iyo xisbigii Baxthiga Ishtiraakiga ee talada hayay 54-tii sano ee lasoo dhaafay.

Col.Xasan Cabdulqani oo ahaa afhayeenkii howlgalkii Radcul Cudwaan ayaa iclaamiyay in hoggaamiyaashii soo halgamay ay madaxweynaha cusub ee Suuriya udoorteen Axmed Al Sharci Amiirkii hore ee hay'adda Taxriiru Shaam.

Al Sharci oo kalimad kooban jeediyay doorashadiisa kadib ayaa carrabaabay in shacabka Suuriya ay ku guuleysteen dagaalkii socday mudada 14-ka sanadood ah.

"Xukunka,hubka iyo hantidu waa Fasaad weyn haddii aysan xakameynin qiyamka iyo akhlaaqda"ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Suuriya.

Waa markii ugu horraysay oo dalka Suuriya uu yeesho dowlad cusub oo aan ka aheyn middii qoyska Aala Asad muddo ku dhow 60 sanadood xiriir ah.

Related Items

Update cookies preferences