Xilli madaxda dowladda Federaalka ay magaalada Muqdisho ka wadaan dhulboob xooggan oo saameyn ku yeeshay shacabka danyarta ah ayay qaar kamid ah mas'uuliyiinta dowladda markii ugu horraysay ka hadleen arrinkan.
Xamze Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha DF-ka ayaa goob fagaare ah ka qiray in xukuumaddiisu ay dhulal ku wareejisay ganacsato iimaan laawayaal ah balse wuxuu afka ka dhowrtay in uu yiraahdo "dhulal ayaan ka iibinay ganacsato", dhulalka faraha badan ee ay shacabkii deganaa ka barakiciyeen ayuu ku sheegay deeq lagu dhiirigelinayo ganacsato!.
"waxaan ku faraxsanahay in dhul qaalli ah oo aad uweyn ay dowladdu siisay ganacsatada ujeedkuna waa in aan kusoo jiidanno maalgashiga ganacsiga"ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.
Hadalka kasoo yeeray R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ahaa midkii ugu horreeyay ee uu ka yiraahdo dhulboobka xarkaha goostay ee caasimadda ka jira ayaa umuuqda mid kuu dejinayo shacabka Muqdisho ee sida aadka ah uga caraysan falalka burcadnimo ee ay wadaan Xasan Gurguurte iyo kaaliyaashiisa.
Bilihii lasoo dhaafay ayay DF-ka waxay Tobanaan kun oo qoys ka barakicisay degmooyinka gobolka Banaadir, dhulalkii shacabka laga qaaday ayaa laga iibiyay ganacsato jeeb weyn ah waxaana dhulalkaas laga dhisayaa Hoteello iyo xarumo ganacsi.