Shir-weyne ay isugu yimaaddeen madaxda ururka midawga Afrika ee loosoo gaabiyo "AU" ayaa maanta ka furmay caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika (AU) ayaa maanta loo doortay adaxweynaha Angola, João Lourenco, isagoo xilkan kala wareegay ninka lagu magacaabo Maxamed Walad Qaswaani oo ka soo jeeda Murutaaniya, oo xilkaas hayay sanadkii u dambeeyey.
Madaxweyne Lourenço oo markii loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee 2025, kadib kalmad ka jeediyey madashaasi, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo in la sii wado dedaallada lagu doonayo in lagu kobciyo saameynta Afrika ee adduunka.
Madaxweynaha DF Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qayb ka ah shirkan ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay oo soo dhaweeyey R/wasaare Abiy Axmed, waxaana sawir lagu baahiyey baraha bulshada lagu arkaayay Abiy Axmed oo aad u dhoolla-caddaynaya xilli uu salaamayay Gurguurte.
Ku dhawaad bil ka hor ayay ahayd markii Xasan Gurguurte uu booqasho ku tagay Addis Ababa lagana saxeexday qaadashada Badda Somaliya isla markaana uu salaan bah-dilaad ah ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Itoobiya oo Abiy Axmed ugu diyaariyey garoonka diyaaradaha.