Dowladda Ingiriiska oo bilowday dhex-dhexaadinta Somaliland iyo SSC.

Thursday January 30, 2025 - 14:51:55
Liibaan Jeexoow
Dowladda Ingiriiska ayaa bilowday dedaallo ay rabto in ay ku dhexdhexaadiso maamulka Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ingiriiska ee lagu magacaabo Mike Nithavrianaks oo tegay magaalada Hargeysa ayaa kulan la yeeshay guddi uu dhawaan magacaabey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.

Guddidan oo lagu magacaabo Guddida Nabadda iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo furi lahaa isu socodka ganacsiga ee Somaliland iyo SSC.

Qoraal uu Safiirka Soomaaliya ee Ingiriisku ku baahiyey bartiisa X ayaa tibaaxayey in dhinacyadu dib u furaan jidadka ganacsiga, xoojiyaan xiriirka iyo isdhexgalka bulshada isla markaana maxaabiista isdhaafsadaan.

"Waxaan la kulmay Guddida Nabadda Somaliland ee dhawaan la sameeyay. Waa in nabad waarta la bilaabo isla markaana maxaabiista lays waydaarsado, jidadka ganacsiga la furo lana xoojiyo iskuxirka bulshada” ayuu yiri Mike.

Somaliland oo hore u maamuli jirtey magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Sool ayaa laga saarey gobolkaas marka laga reebo degmada Caynaba.

Dagaal socday 8 bilood oo xiriir ah ayaa Somaliland dib loogu riixay iyada oo deegaannadaas ka talinaysay 15sano.

Dadka deegaankaas ayaa samaystey maamul lagu magacaabo SSC-Khaatumo oo la mid ah kuwa ka jira Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences