Madaxweynaha maamulka la baxey Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa hadal laga siiyey Shirka Dowladaha Dunida oo bilaabmay maanta oo bishu tahay 11 February, 2025.
Shirkan ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Dowladda Immaaraatka Carabta taas oo sida madaxweynahoodu sheegay looga gol lahaa hannaanka dib u qaabaynta dowladaha ee mustaqbalka.
Cirro ayaa aad uga faalloodey maamulka Somaliland ee aan wali aqoonsiga helin, doorashooyinka iyo in ay caalamka ka sugayaan aqoonsi. Waxa kale oo wax laga weydiiyey dekadda Berbera iyo Shirkadda DP World.
Madaxweynaha maamulka gobollada waqooyi ee la baxay Somaliland waxa uu xusay in Immaaraatku lacag ka badan $400 oo milyan ay ku kharash gareeyeen Berbera.
"Somaliland waxa ay leedahay xeeb dheer oo dhererkeedu yahay 850km, xilligii Dagaalkii Qaboobaa waxa isticmaali jirey Ruushka markii dambena Mareykanka sidaa darteed waad fahmi kartaa qiimaha istaraatijiyadeed ee ay leedahay Berbera” ayuu yiri Cirro.
Cirro waxa kale oo shirkaasi uu ka sheegay in la gaadhay waqtigii caalmaka ka garaabi lahaa in Somalilaand noqoto waddan madax badaan oo beesha caalamka ka mid ah, isla markaana ay dawladda Maraykanka ka rajaynayaan inay noqoto dawladda ugu horreysa ee aqoonsata.
Sidoo kale madaxa maamulka Somaliland waxa uu kusoo hadal-qaaday khudbaddan uu maanta ka jeediyey shirweynahaasi caalamiga ah in sannadkan gudihiisa ay dhamaystirayaan heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muuse Biixi uu la galay Abiy Axmed ee lagu dhaxal-wareejinayay Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.
Geesta kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda Imaaraatka Carabtu ay madaxa kooxda Villa Soomaaliya Xasan Gurguurte ka hor-joogsatay inuu ka qayb-galo shirkaasi caalamiga ah ee maanta ka furmay magaallada Dubay.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in Xasan Sheekh uu sameeyey dedaallo ku aaddan sidii dawladda Imaaradka Carabta looga ergeyn lahaa, si uu shirkaasi uga qayb-galo, balse dedaalladaasi waxay u muuqdaan kuwo fashil kusoo idlaaday.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin shirkan caalamiga ah ee Cirro ka qayb galey isla markaana nusqaanta ku ah Xukuumadda Xasan Sheekh.
Si kastaba ha ahaatee waxa falanqeeyayaashu sheegayaan in shirarka noocan oo kale ah ay maamulka Somaliland u soo jiidi karaan aqoonsiga ay muddo 30 sano ka badan baadi-goobayeen.
Shirkan ayuu Imaaraatku sheegay in ay kasoo qayb-galeen 30 Madaxweyne Dowladeed, in ka badan 80 xubnood oo kamid ah ururrada caalamiga ah iyo kuwo gobol, 140 xubnood oo ah wufuud dowladeed iyo in ka badan 6000 oo marti sharaf ah. Shirka ayaa socon doono 3 maalmood oo ku eg 13 February, 2025.