Wasiirka Warfaafinta maamulka la baxey Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka dhawaajiyey in ay Soomaalida ku metelayeen Shirkii Dowladaha Adduunka ee ka dhacey Dubai halkaas oo ay ka qayb galeen ilaa 30 madaxweyne dawladeed.
Wasiirka Warfaafinta SL waxa uu ka dhawaajiyey in si dadban loo aqoonsadey maaddaama oo Cirro la ag fariisiyey madaxweyneyaal dalalkooda la aqoonsan yahay.
"Waxay Somaliland heshay in ay la fadhiisato meel ay fadhiyaan in ka badan 30 madaxweyne taas oo ku qaadan lahayd malaayiin doolar iyo safarro... waa aqoonsi dadban oo kii caalamiga ahaana daba yaallo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle.
Cabdiraxmaan-Cirro ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Immaaraatku ku soo casuumay shirkaas kaas oo kelmad nusqaan ku ahayd Dowladda Federaalka ah ka jeediyay halkaas.
Hadalladan ka soo yeeraya siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ayaan wali Xukuumadda Federaalku ka bixinnin wax jawaab ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dalka UAE uu Xukuumadda Federaalka ka diiday in la hakiyo ka qaybgalka Cirro ee shirkan caalamiga ah.