Puntland oo diidday bara-kicinta reer Qaza, beenisay-na war kasoo yeeray mid ka mida wasiirradeeda.

Monday February 10, 2025 - 10:37:10
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa beeniyey war uu soo saaray ku-xigeenkiisu oo sheegayay in ka Puntland ahaan ay diyaar u yihiin soona dhawaynayaan dalabka Trump ee barakicinta muslimiinta reer Qaza, ee la qorshaynayo in qaxooti ahaan loo dejiyo deggaanno ay ka mid yihiin gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
Maxamuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta oo shalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in hadalka uu jeediyay ku-xigeenkiisu kaliya uu khuseeyo aragtidiisa gaarka ah, oo aanu ku metalin mowqifka maamulka Puntland.

Warkan rasmiga ah ee kasoo baxay wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay ixtiraameyso xuquuqda Falastiiniyiinta si ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaadaan dhulkooda.

Bayaankan ayaa imanaya maalin kadib markii Yacquub Maxamed Cabdullaahi oo ah wasiir-ku-xigeenka warfaafinta Puntland uu u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa dalka UK in ka Puntland ahaan ay soo dhawaynayaan qorshaha Donald Trump ee barakicinta reer Filastiin.

Related Items

Update cookies preferences