Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya qarax culus oo maleeshiyaadka Xasan Gurguurte lagula beegsaday agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.
Qaraxan oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa dhacay galabnimadii shalay, waxaanu haleelay baabuur C/Bile ah oo ay la socdeen saraakiil iyo maleeshiyaadka Sirdoonka ee NISA.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka jawaasiista ee NISA.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 8 askari, isla markaana uu burbur xooggani gaaray baabuurka la qarxiyey.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa jiif iyo joogba u diidday maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah ciidamada shisheeye ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.