Dowladda Mareykanka oo hakisay shaqadii hay'adda US Aid oo lacag balaayiin Dollar ah siin jirtay dalalka Afrika (Warbixin).

Wednesday February 05, 2025 - 06:23:37
Liibaan Jeexoow
Wax ka yar 15 maalmood oo uu xukunka hayo Donald Trump madaxweynaha dowladda Mareykanka wuxuu soo saaray qaraaraad murun badan dhaliyay oo u badan dhanka dhaqaalaha arrinkaas oo saameyntiisa laga dareemay dunida dalladeeda.
Maadaama uu yahay ganacsade aan ku xeeldheerayn siyaasadda balse yaqaan qiimaha lacagta ayuu Trump diiradda saarayaa sidii uu uxoojin lahaa damaca dhaqaale ee Mareykanka balse wuxuu dhuunta qabanayaan dowladihii iyo ururadii ku tiirsanaan jiray lacagaha Mareykanku bixiyo.

Qaraar ay ka qeylla dhaamiyeen intabadan dowladaha ka jira qaaradda Afrika ayuu Trump gaaray kaasi oo ah in uu xayiraado kusoo rogay hay'adda loo yaqaan USA Aid oo ah aalad ay America ku gummeysato waxa loogu yeero dunida soo koraysa.

Hay'addan oo uu aas-aasay Joon Of Kanadi madaxweynihii hore ee Mareykanka sanaddii 1961-dii ayaa loogu talagalay in Mareykanku uu ku gummeysto dalalka caalamka Islaamka iyo dunida muslimka.

Arrinta cusub ayaa ah in maamulka Trump uu uyeeray madaxda hay'adda US Aid kadibna laweydiiyay in ay sharraxaad ka bixiyaan qaabka ay ushaqeyso iyo halka ay ku bixiso bajadka sanad walba lasiiyo oo balaayiin dollar ah.

Sida ay soo tebisay wakaaladda wararka AP mas'uuliyiinta hay'adda ayaa ku gacan seyray in ay keenaan caddeymo ku saabsan qaabka ay ushaqeeyaan arrinkaas oo ka caraysiiyay Elon Maask oo Trump uu uxilsaaray in uu dabagalo wasaaradaha iyo ilaha maaliyadda dowladda.

xukuumadda washington ayaa ku dhawaaqday in ay albaabada isugu laabtay xafiiska ugu weyn ee US Aid ay ku leedahay caasimadda wadanka islamarkaana shaqadeeda lahakiyay muddo 90 maalmood ah.

 Marco Rubio oo ah wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in isagu uu madax ka yahay hay'adda islamarkaana la hakiyay shaqooyinkii ay haysay, weerar afka ah ayuu ku qaaday madaxda hay'addan oo uu sheegay in uu musuq maasuq dilooday islamarkaana aysan ka shaqeynayn danaha Mareykanka.
cod1.

Qaaradda Afrika waa meesha ugu daran ee ay saameynta ku yeelanayso xeridda hay'addan oo gacanta ku haysay wax kabadan kala bar miizaaniyadda dowladaha arrinkaas oo sababay in dowlado badan oo saliibiyiin ah ay musalafaan, waxay aheyd hay'ad gummeysi oo mareykanku uu ku adeegto.

DF Soomaaliya ayaa sanad walba US Aid ka heli jirtay lacag dhan 70 milyan oo dollar, waxay hay'addan qeyb weyn ka aheyd xamladii saliibiga ee xasan Gurguurte iyo mareykanka ay kusoo qaadeen wilaayaatka islaamiga ah sanaddii 2022-kii.

Hay'addan ayaa gobollada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Galguduud ka hirgelisay mashruuc ay ugu magac dartay "barnaamijka xasilinta deegaannadii laga xoreeyay argagaxisada", oo loola jeedo in UA Aid ay jawaasiis iyo macaawisley qorto si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah mujaajidiinta.

Dabadhilifyada soomaalida ee qeybta ka ah duullaanka ashahaadda ladirirka ee wilaayaatka islaamiga lagusoo qaaday ayaa aamisan in xayiraadda US Aid ay halis ku tahay dagaalka ka dhanka ah mujaahidiinta iyagoo tusaale usoo qaatay in deegaannada cadowgu qabtay ay hay'addan saameyn weyn ku laheyd.


Elon Maask oo kamid ah mas'uuliyiinta xukuumadda Trump ayaa hay'adda US Aid ku sifeeyay kubad uu duqsi kabuuxo wuxuuna ku goodiyay in aysan tallaab adag ka qaadi doonaan madaxda hay'addan haddii ay u hoggaansami waayaan awaamirta dowladda.
cod3.

tallaabadan uu maamulka Trump ku weeraray hay'adda horumarinta iyo gargaarka mareykanka ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo maamulka cusub uu ku doonayo in uu meesha uga saaro lacago si macna darra ah mareykanka bil walba uga bixi jirtay.

kooxda ridada soomaaliya waa midda ugu daran ee khasaaruhu kasoo gaaray joojinta US Aid sababtoo ah waa koox ku nool gacma hoorsi shisheeye.

warbixinnadu waxay sheegayaan in dhammaan dowladaha qaaradda afrika ay ku jiraa gummeysiga dhaqaale ee Mareykanka waxaana loosoo marsiinayay hay'adda US Aid marka laga reebo lix dowladood oo iska diiday in ay ku tiirsanaadaan dhaqaalaha mareykanka ee gummeysiga waxaana dalalkaas ka mid ah Zimbabwe iyo Ereteriya.

Related Items

Update cookies preferences