Doorashada Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta ka dhacaysa Addis Ababa.

Saturday February 15, 2025 - 14:33:50
Liibaan Jeexoow
Waxa maanta magaalada Addis Ababa ka dhacaya shirka lagu dooranayo hoggaamiyaha ururka lagu magacaabo Midowga Afrika. Waxaana xilka wareejinaya ninka lagu magacaabo Maxamed Walad Qaswaani oo ka soo jeeda Murutaaniya xilkaasna hayey sannadkii ugu dambeeyay.
Tartamayaadha ilaa hadda isu soo sharraxay hoggaaminta ururkan ayaa ka kala socda Jabbuuyi, Kiiniya iyo Jasiiradda Madagaskar.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Dibedda ee Jabbuuti ayaa ah ninka metelaya dalkaas kaas oo ilaa 2005 soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti, da’diisuna tahay 60jir.

Raila Odinga oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Kenya 2008-2013 ayaa ah ninka ku metelaya Kenya isla markaana u sharraxan booska Guddoomiyaha AU. Odinga waxa uu jiraa sida la sheegayo 80sano.

Richard Randiamandrato oo hore Jasiiradda Madagaskar uga soo noqday Wasiirka Dibedda, Wasiirka Dhaqaalaha iyo xilal kale ayaa ku meteli doona dalkiisa. Richard waxa lagu sheegay da’diisa 65sano.

Ururka Midowga Afrika oo ka kooban 55 dal ayaa la aas aasey sannadkii 1999-kii kaas lagaga dhawaaqay waddanka Liibiya. Ururkani waxa shaqadiisu tahay in uu difaaco xuduudihii gumeystayaashu ka tageen, waxa kale oo ay sheegaan in uu u taagan yahay nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Related Items

Update cookies preferences